Wafdi Kasocda Jaamacada Baladweyn oo Booqday Jaamacada EAU

Wafdi balaaran oo kasocday Jaamacada Baladweyne islamarkaana uu hogaaminayey kuxigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Sh Maxamed Muse Maxamed ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Jaamacada Bariga Africa ( EAU ) xarunteeda koowaad ee Magaalada Boosaaso.

Wafdiga Jaamacada Baladweyn ka socday ayaa kulamo muhiima layeeshay Kuxigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Ustaad Maxamed Macalin waaxayna isku afgarteen  kobcinta Xiriirka labada Jaamacadood iyo iska kaalmeysiga Horumarinta Cilmiga iyo Cilmibaarista iyo sidoo kale isdhaafsiga Aqooyahanada, khibradaha iyo Macalimiinta.

Kulanka ayaa ku soo dhamaadan sidii looqorsheeyey waxayna labada dhinac hoosta ka xariiqeen kubcinta iyo xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada Jaamacadood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*